Sarkaal ka tirsanaa Booliska Somalia oo lagu dilay toogasho ka dhacday Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) –  Sida ay ilo xog-ogaal ah u xaqiiyeen Shabelle nin ku hubeysan Bastoolad ayaa toogtay Aadan Biit oo ahaa sarkaal ka tirsan Booliiska xili uu xalay ku shaahaynayey Marxuumku Meherad ku taal isgoyska Dalsan ee u dhaxeeya Dekeda iyo Ilinka looga leexdo xerada iskool Booliisiyo.

 

Goob joogahan oo ka ag dhawaa goobta dilku ka dhacay ayaa sheegay in Sarkaalka lagu dhuftay laba xabadood, isla goobtana uu ku geeriyooday islamarkaana uu baxdasay ninkii falka geystay.

Waxaa la isweydiinayaa sida ay dilaaga ugu suurtagashay in sarkaalkan uu ku dhex toogto goob ay afarta dhinac ka xigaan Ciidan oo si aad ah loo ilaaliyo islamarkaana ay ku dhextaal xeradii ugu weyneyd Ciidanka Booliiska ee Tababarada.

Dilkan oo u muuqda mid si aad ah loo qorsheeyay ayaan weli jirin cid ka hadashay inkastoo ay goobta tageen ciidamo sameeyay baaritaan kooban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here